Xasuuqii Borama ee 1984 + ( Sawiro )


Janaayo 30, 1984) weerar diyaaradeed ee ay la beegsatay Boorama waxay ku xasuuqday 37 arday oo da’doodu udhaxaysay (6-14)sano iyo 4 macallin, halka dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo 5 macalin ,
waxaa kaloo dadka ku nafwaayay weerarkaas kamid ahaa 4 hooyo oo xaamilooyin ahaa kuwaasi uu sugnaa MCH-ka..

  • Xabashidu (Janaayo 30, 1984) weerar diyaaradeed ee ay la beegsatay Boorama waxay ku xasuuqday 37 arday oo da’doodu udhaxaysay (6-14)sano iyo 4 macallin, halka dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo 5 macalin , waxaa kaloo dadka ku nafwaayay weerarkaas kamid ahaa 4 hooyo oo xaamilooyin ahaa kuwaasi uu sugnaa MCH-ka....

Marka hore waxaan ku bilaabayaa magaca eebe ee naxariista naxariis guud iyo mid gaar ahaaneed.

Hadaba, hadaan u gudbo ujeedada igu dhalisay dhanbaalkayga, amaba aan gudagalo ayaa waxay tahay in maalinba maalinta ka danbaysa ay sii fogaanayso colaadii sooyaalka ahayd ee u dhaxaysay shacabka soomaaliyeed iyo xukuumadaha xabashida, Waana taas aan maanta u cuskaday qalinka, jecelna inaan daaha ka qaado taariikh aan marnaba duugoobikarin oo arimahan uun la qotonta in kastoo aanan jeclayn inaan diirqaado naburro gaamuray dibna u xasuusiyo shacabka iyo eheladii dhibanayaasha, balse ay tahay dhacdo xusid mudan oo qudhaydu habeeno ka laddi waayay.

Waayo ummad kasta oo uunkan ku nooli waxay leedahay dhacdooyin taariikheed oo soo jireen ah oo ay ku dhaataan ama ay ka dhiidhiyaan, waana laba midkood uun,


  1. taariikh xambaarsan badhaadhe iyo himilooyin wanaagsan oo la hantay.
  2. taariikh xambaarsan tiiraanyo, dhiilo ama dhacdo xusuus reeb xun leh .

Haddaba dhacdooyinkan is huwan ayaa badanaaba waxa weeleeya maskax kastoo caafimaad qabta taasi oo ku dul suntan, raad-raaca taariikheed ee jiilba jiil uga sii taariikhoodo, arinta aan ugoleeyahay ee aan ubanbaxay wax kaqoristeeda islamarkaana aan ushanqadhiyo dhalinta facayga ah ee gayiga degan ayaa ah, akhristow raad-raaca taariikhda ee guunka ah oo maanta si urugo iyo naxdin leh u xusaysa bar-baartii, ubixii, sida xun ugu riiqday weeraradii waxshiga ahaa ee aan lookaala aabo yeelin ubax iyo xaamilaba.

Hadab bulshoweynta reer Awdal yaa ah bulsho ehel u’ah ilbaxnimo iyo aqoon dabo dheeraatay, isla markaan ku dhaadata taariikh guun ah oo soo jireen ah, waxaaana taasi marag ma doon u ah ilbaxnimadii Adal iyo sooyaalkii soomaaliyeed ee kahaqaaday guud ahaan Awdalta maanta taaso ahayd boqortooyo awood cudud iyo ilbaxnimo gaadhay oo xukunkeedu gaadhsiisnaa ilaa shawa(Ethiopia) taas oo la odhankaro waa halka ilbaxnimadii soomalidu ay ka soo dhab qaadatay .

Hadaba hadii aan ugudo galo dhacdan naxdinta leh ayaa waxay ubilaabmaysaa sidan hoose.

Amintu waa goor barqa ah abaaro 10:30 AM, bishii janaayo 30keedii, 1984 kii waana maalin farxad iyo rayn-rayn badan ay dadkuna faras magaalaha Boorama (xarunta iyo caasimada gobalka Awdal) ay tuganyihiin oo raxmaad iyo nimcada illaah ku mashaqeeyay taasi oo ay dheerayd jawi bilan oo ay weheliyaan neecaw iyo reexaan udug badan oo ka soo dhabanaayay dhinaca buuralayda iyo xeebaha gobolka.

Laakiin nasiib daro waayahan faraxa badan u mayna hiilin shacabkii u sacabotumaayay ee u heelanaa, Kadib markii 6 diyaaradood oo nuuca dagaalka ay ka soo gudbeen dhinaca xadka xabashida kuwaas oo bartilmaameed rasmi ah ka dhigtay ubax aan waxba galafsan oo duruus ujoog ku ahaa dugsiyadoodii. Deegaamo xaafadeed iyo xarumo ganacsiba, gardaradaa aan geedna lagula soo gaban ayaa waxaa ku galbaday 37 arday oo da’doodu udhaxaysay (6-14)sano iyo 4 macallin, halka dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo 5 macalin kuwaas oo sixun u dhaawacmay ,waxaa kaloo dadka ku nafwaayay kamid ahaa afar hooyo oo xaamilooyin ahaa kuwaasi uu sugnaa MCH-ka ag dhawaa dugsiyadaasi sida xun loo weeraray (ataagay). 

Markasoo ay bulshada caalamkuna ay ku mashquulsanaayeen waa xiligaasiye ka badbaadinta dhalaanka nafaqadarada, macaluusha, xanuunada iyo cidhibtirka jahlinimada, ayay xukuumada xabashiduna ay awoodeeda ku tijaabisay ubad soomaaliyeed oo birimagayda ah ,shikina kuma jiro in xukuumadaha xabashidu ay yihiin xoog u taagan bur-burinta shacabka iyo bar-baarta uhanaqadaysa gayigan.

Anaga oo kuhadlayna magaca bulshaweynta reer Awdal iyo eheladii dhibanayaasha ayaan ugu baaqaynaa dadyowga nabada jecel in aydhinac uga soo jeestaan ficilada xun ee ay cadaysteen xukuumadahasi xabashidu, arintu sikasta ahaatee dhacdadani waxay fariin ugudbinyasaa bulshoweynta soomaliyeed in ay cadowgooda u foojignadaan waxaana la, arkaa in dhinbiilihii hore ay wali dhab holcinayaan , inkastoo xasuuqaasi naxdin we-wel iyo tiiraanyo ku sogootiyay bulsho weynta reer awdal hadana waxaa xusid mudan in ayna cidna dabooli Karin ubax soo foodhacaaya!! .

Balse su’aasha la isweyndiin karo ayaa ah intee ayuu leekaa taageeradii ay ufidisay xukuumadii milatariga ahayd ee siyaad barre dhibanayaashii ay dhacdani ku hafsatay ?

Jawaabta ayaa ah mid cad dadka inta badana ay aaminsanyihiin in wax gar-gaarah oo sidaasi ubuuran ayna dadkaasi helin ,balse wax uun lagudboonaa dowlada in ay shicibaka ka difaacdo duqaynta arxandarada ah balse taasina ma ay dhicin ,waan taas ta sobobtay in uu wax kooban noqdo taageeradii ay bulshoweynta reer Awdal uqabeen xukuumadii xilligaasi.

Iskusoo wad xooriyoo hada waxaa lataaganyahay xiligii dhibanayaasha lagu xusilahaa taalo laga dhex qotamiyo faras magaalaha caasimada gobolka ee Boorama, si aan maanka iyo quluubta ugu hayno ubaxaasi inaga baxay dhamaanteen ,waayo bulsho kastaa waxa ay leedahay calaamad ay kuxusuusato dhacdooyinkan nuucan oo kale ah . 

Gabo-gabada iyo gunaadka qalinkayga urugo qormaaya kuna hadlaya magacayga iyo magaca dhalinta reer awdal iyo magaca qoysaskii dhibtu gaadhay ayaan waxaan tacsi tiiraanyo leh ugubinaynaa dhamaan bulshoweynta reer awdal meelkasta oo ay joogaan dal iyo dibadba iyo guud ahaan bulshoweynta soomaaliyeed ,taariikhduna way xusi ubaxaasi saxiibadayo ,wehelkayo,kuwaas oo nala qoondaynlahaa dhabada nolasha waxaase hubal ah in ay rabi ku galaday janatu firdowsa naxariisna, ay hugooga noqotay dhamaanteen allaah raxmaanka ahi samir iyo iimaan ha inaga siiyo aamiin ..............

Magacda ubaxii ama shuhaddadii ku nafwaayey xasuuqii foosha xumaa ee xabashida.

Magac (Names) Da' (age) Fasal (Grade)
1 Ilyaas Ibraahim Maydhane 12 4
2 Ismaaciil Muuse Tubeec 13 4
3 Abadir X/ibrahim Xaaji 11 4
4 Axmed Idiris Ibraahim 12 4
5 Axmed Ibraahim X/ bookh 12 4
6 Ubax Cumar Maydhane 10 3
7 Anisa daahir Caateeye 10 3
8 Maxamuud Maxamed Daahir 10 3
9 Yaassiin Daahir Ibraahim 10 3
10 Abdi Hassan Cali 9 3
11 Abdi Ahmed Yuusuf 10 4
12 Husseen Maxamed Nuur 12 3
13 Sacaada Cabdulle Faarah 10 3
14 Maxamed Xasan Faarah 9 3
15 Nimca Maxamed Xirsi 10 3
16 Raashid Huseen Cige 10 3
17 Cabdi Ismaaciil Xasan 11 3
18 Maxamed Aw/ Aadan Cabdi 8 2
19 Khadra Maxamed Xirsi 9 2
20 Maxamed Idiris Miicaad 8 2
21 A/risaaq SH/maxamed 10 2
22 Sahra Aaden 6 1
23 Faadumo orod ku dharag 6 1
24 Fa’isa H/Ibraahim Muusae 12 4
25 Ruqiya Maydhane Muxumed 10 2
26 Hibo Axmed Ali yey 11 4
27 Maxamed Xasan Xandulle 13 4
28 Hinda Axmed Cilmi 10 3
29 Hibo Barkhad Qayaad 9 3
30 Qayaad Barkhad Qayaad 11 4
31 Deeqa Yuusuf Cige 10 3
32 mustafe Cilmi Weyrax 9 2
33 C/laahi Nuur Cumar 14 8
34 Axmed Cabdi Barre 11 3
35 Kaltuun Abubakar Sheekh 10 4
36 Warla Cilmi Subagle 9 3
37 Sucaad Cali Obsiiye 14 7