Taariikhda Prof.ahmed Ismacil samatar oo kooban


Professor Axmed Ismaaciil Samatar wuxuu ka mid yahay aqoonyahannada waaweyn ee Soomaalida kuwooda safka hore, hadduusanba ahayn kan koowaad. Waa indheergarad maskax-maal ah oo si joogto ah isha ugu haya waxa ka
socda Soomaaliya iyo adduunkaba. Wuxuu aad u taxliiliyaa is-beddelka xaaladaha caalamka. Wuxuu wax ku bartay dalka Mareykanka muddo hore. Wuxuu haddeer hormuud (Dean) ka yahay Institute for Global Citizenship, Macalester College. Sidoo kale, waa James Wallace Professor ee dhinaca culuunta caalamiga (International Studies). Wuxuu shahaaddada B.A. ka qaatay University of Wisconsin (La Crosse) sannadkii 1978-kii. Saddex sano kaddib 1981-kii, wuxuu shahaaddada M.A. ka qaatay University of Denver. Isla mar ahaantaas, wuxuu shahaaddada Ph.D. ku diyaariyey isla jaamicaddaas sannadkii 1984-kii. Prof Samatar, wuxuu muxaadarooyin ka soo jeediyey jaamicado iyo kulliyado dhowr ah oo ay ka mid yihiin; University of Amsterdam, Cornell, Harvard, Iowa, London School of Economics and Political Science, Oslo University, University of Pennsylvania, Jaamicaddii Ummadda Soomaaliya, Toronto University, York University, School of Oriental and African Studies (SOAS) ee Jaamicadda London iyo Wellesley College. Wuxuu wax ka qoray, kana tifatiray dhowr buug - waxaa buugaagtiisaas ka mid ah; The Somali Challenge: From Catastrophe to Renewal, Socialist Somalia; Rhetoric and Reality, The State in Africa: Reconsiderations, Somalia: State Collapse, Multilateral Intervention, and Strategies for Political Reconstruction iyo Literature, the Creative Imagination and Globalization. Wuxuu qoray in ka badan soddon maqaal-cilmiyeed. Wuxuu tifatire ka yahay journal-ka Bildhaan oo ah kii ugu horreeyey ee caalami ah ee falanqeeya culuunta Soomaalida. Wuxuu kaloo tifatire ka yahay 22 qaybood oo ka mid ah Macalester International oo ah warside waxbarashada iyo caalamiyeynta. Prof Samatar oo ah Fulbright Fellow, cilmi-baarista uu hadda ku dhex jiro waa hoggaaminta iyo khibradda Soomaalida.