Taariikhdii Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed


Cabdullahi Yuusuf Axmed wuxu ku dhashay magaalada C/Kacyo Diiseember 1934-tii wuxuu dhammeystay waxbarashada dugsiga sare.


Wuxuu dhigtay kullyadda sharciyada ee ciidamada, 1954-tii ayuu kooras waxbarasho oo 2 sanno ah ku tagay dalka Talyaaniga, markii uu kasoo noqday koorsadaas 1956-dii waxaa loo magacaabay Taliye-xigenka ciidanka Boliiska Soomaliyeed ee gobolka Banadir.

1958-dii waxaa Cabdullaahi Yuusuf loo magacaabay Tliyaha Qeybta Boliiska ee gobolada Jubbada sare iyo Jubbada Hoose.

1960-kii ayuu mar kale waxbarasho kusoo qaatay dalka dibadiisa gaar ahaan dalka Talyaaniga, Markii uu kusoo laabtay dalka ayuu C/laahi Yuusuf ku wareegay Ciidanka Xogga dalka Soomaaliyeed (Military).

Xilkii ugu horreeyey ee uu ka qabto Miletary-ga wuxuu ahaa Taliyaha Police- Military gobolka Waqooyi galbeed.

1964-tii C/laahi Yuusuf oo G/dhexe (Lieutenant Colonel) ah waxaa loo soo wareejiyey xaruntii taliska ciidamada qalabka sida ee Muqdisho.

1965-tii ayuu helay koorso dibadda ah oo uu ku tagay dalka Ruushka (USSR) kuliyadda dagaalka ayuu kusoo dhammeystay Ruushka.

1968-dii wuxuu noqday C/Laahi Yuusuf taliyihii Hoggaanka Tababarada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

1969-kii Ayuu C/Laahi Yuusuf taliye xigeen ka noqday gobolada Waqooyi. Isla sannadkaas waxaa dalka afgambi aan dhiig ku daadan ku qabsaday Allaha u naxariistee Gen. Maxamed Siyaad Barre.

1969-kii Markii Kacaankii barakeysnaa dalka afgambi kula wareegay waxaa lagu eedeeyey inuu halis ku yahay isbadelka dhacay waxaana la dhigay xabsiga isagoo la sheegay inuu xirnaa lix (6) sanno.

1975-tii Markii lasoo daayey waxaa loo magacaabay Taliyaha Hogaanka Gaadiidka iyo Dayactirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed

1977-dii Col. C/Laahi Yuusuf waxaa loo magacaabay Taliyaha aagga Koonfur Galbeed ee dalka Soomaalya waxaana xarun u aheyd Baydhabo oo uu duulaan kaga qaaday Dalka Itoobiya.

Dagaaladii ay la galeen ciidamadii uu hoggaaminayey Col. C/laahi Yuusf Axmed ciidamadii Cadowga ee Itoobiya wuxuu kaga adkaaday goob kasta illaa uu gacanta ku dhigo NAGEYLE oo ah magaalooyinka ugu waaweyn .

Col. C/laahi Yuusuf Axmed oo ciidamaddii uu hoggaaminayey guulo fiican kasoo hoyeen dagaalkii ay la galeen ciidamada Itoobiya ayaa dalka dib ugu soo laabtay kabaxaaydii 1978-dii.

1978dii waxaa dhacay inqilaab lagu doonayey in lagu afgambiyo dowladda uu madaxda ka ahaa Marxuum M. Siyaad Barre kaasoo fashilmay wuxuuna Col. C/Laahi Yuusuf u fakaday dhanka dalka Itoobiya.

1978-dii ayuu dalka Itoobiya ka aas-aasay Urur kasoo horjeeda dowladdii Soomaaliya ka jirtey oo la magac baxday SSDF.

1985-tii Col. C/laahi Yuusuf Mingiste Xayle Maryam ayaa ku xiray xabsi ay ciidamada Itoobiya leeyihiin, waxaana la sheegay inuu xabsigaas ku xiraa intuu la xiray xilliigii kacaanku curtay oo aheyd lix (6) Sanno.

1991-dii burburkii dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa Cabdulaahi yuusuf laga soo daayey xabsigaas.

1998-dii Wuxuu tagay Waqooyi Bari dalka Soomaaliya wuxuuna noqday Madaxweynaha Maamul goboleedka la baxay Puntland.

2004-tii C/laahi Yuusuf oo ah Madaxweynaha Puntland ayaa ka qeyb galay shirkii Eldoret ee dalka Kenya wuxuuna doorasho is-reereeb ah kaga guuleystay xubnihii la tartamayey xilka uu maanta hayo ee ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

waxaa uu noqday madaxweynihii shanaad ee Somaliya waxaana uu xilka hayay ilaa afarsano isagoo markii danbana iska casilay xilkii madaxweynaha soomaaliya isagoo si ku meel gaar ah ugu wareejiyay gudoomiyihii Barlamanka somaliya ee xiligaas waa aaden madoobe.

Diyaarintii: Sulaiman Bashiir Omar
      Borama Office