Sheeko Xanuun leh oo ka dhex taagan lamaane Somaliyeed oo jaceyl wadaag ahaa "Qiso Dhab ah"

Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Najiib iyo Hiba, Hiba ayaa xiriir lasoo sameysay wariya-yaasha barnaamijka xiisaha badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka, kuwaa oo ka hawl-galla Shabakadaha Caalamiga ah ee Radioxamar.com iyo Dhacdo.com, waxayna ay inooga warantay sidii ay wax u dhaceyn, waxayna ku bilaabaneysaa sidatan:

Waxaan ku dhashay magaaladda Boosaaso ee Bari, waxaana waxbarashadeeda Hoose, Dhexe iyo sare aan kusoo qaatay isla magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari, iyadoo markii dembe aan u shaqeen jiray mid kamid ah Shirkadaha Isgaarsiinta Teleefanada ee ku yaalla magaaladda Boosaaso.






Maalin maal maha kamid ah ayaa waxaa dhacday in anigoo ku guda jira hawlaheyga shaqo uu xafiiskayga igu soo gallo Najiib, markaasi ayaa wuxu wax iga weydiinaayay inaan ka caawiyo cilado heysatay goob Teleefanada laga diro oo u furneed, waxaana ka caawiyay dhamaan wax-yaabihii uu ka cabanaayay, sidii ayaana maalintaasi ku kala tagnay.






Muddo laba bilood mar ay kasoo wareegatay ayaa waxaan ku arkay xeebta magaaladda Boosaaso mar aan u daawasho tagnay aniga iyo laba hablood oo aanu saxiibo nahay, hase ahaatee waxaa maalintaasi aan si kedis ah isku aragnay Najiib, markaan muuqaalkiisa arkay ayaa waxaan soo xasuustay in uu maalin igu yimid xafiiskii aan ka shaqeynaayay, laakiin aniga oo aan la-hadlin ayuu igu yirir “Alla waa gabadhii wanaagsaneed, ee sidee tahay baayo”, markaas ayaa waxaa bilownay inaan si caadi ah isku wareysano, isla maalintaas wuxuu Najiib uu iga codsaday inaan siiyo Teleefankayga gacanta ah, sidii ayaana ku siiyay.






Isla habeenkii ayuu Najiib uu i soo wacay, si caadi ah ayaana habeenkaasi u wada sheekeysanay, habeenkaasi kadib ayuu Najiib i soo wici jiray Subax, Galab iyo Habeen kasta, wuxuuna xiriirkeyna uu noqday mid joogto ah, inkastoo aan aniga si caadi ah ula hadli jiray, hadana Najiib waxaan ka dareemi jiray in uu i doon dooni jiray.






Najiib ayaa wuxuu ii soo bandhigay in uu ina dhex maro xiriir jaceeleed, hase yeeshee waan ka diiday dhawr jeer, anigoo ku dhihi jiray waxaa tahay walaalkey oo kale, ee sidee baan kula sameeyaa xiriir jaceyl, laakiin Najiib muusan ahayn nin sidaasi iga hara, oo aallaaba wuxuu igu calaacali jiray in uu i jacel yahay.






Xilliyada qaarkood marka uu i soo waco ayaa waxaa ula hadli jiray si’aan wanaagsaneen, waxaana ula dhaqmi jiray qaab aan wanaagsaneen, “Ileen Naag Nin ay Taqaano Nin Ma-Moodee”, iyadoo ay xaaladdu sidaasi tahay, ayuusan ebid iga caroon Najiib, si kasta oo aan u xumeeyo Najiib wuxuu ahaa nin markasta uheellan in uu gacanta igu dhigo.






Muddo marka ay xaaladdu sidaasi ahayd ayaa waxaa dhacday in’aan Najiib u qaado jaceyl aan caadi ahayn, waxaan noqday gabar ku waalan Najiib oo qura, isna waxaan ka hellay jaceyl wanaagsan, waxaan jeclaan jiray inaan Najiib magaaladda lasoo wareego, habeen kasta oo jimca ah waxaanu kasoo wada casheen jirnay Hotellada ku yaalla magaaladda Boosaaso.






Waxaan Najiib baray qoyska aan ka dhashay sida Hooyo, Aabe iyo seddex hablood oo ila dhashay, inkastoo ay wiilal ila dhasheen, hadana waxay ku kala nool yihiin wadamada Holland, Denmarka iyo Sweden.






Waxaa dhacday in jaceylka aan u qabo Najiib aan ku faano, waxaan gabdhaha aan asxaabta nahay oo dhan aan uga sheekeen jiray jaceyl igu weynaaday ee aan u qabo Najiib, ruux kasta oo aan arkana, waxaan jeclaan jiray inaan uga sheekeeyo Najiib, iyo sida uu u dabeecad wanaagsan yahay, hase ahaatee maxaa dhacay?






Waxaa dhacday in anigoo xiiso u qabo, aadna u jacel, ruux aan ku doorsanaayana aysan jirin ayaa waxaa Najiib aan ka dareemay cago jiid aan horey uga baran, waxaan dhawr jeer aan isku dayay, bal inaan ogaado sababaha uu Najiib uu sidaani iskugu badalay, hase yeeshee wuxuu i dhihi jiray “Waan iska mashquulay, waad ogtahay shalay markaan waqtiga haayay inaan kugu bixin jiray waqtigeega oo dhan, laakiin maanta ha’ila yaabin”, hadalkaasi markii uu Najiib uu i dhahay ayaa la-yaabay, maxaa yeellay Najiib si wanaagsan baan u aqaanaa, oo majirto meelo uu ka shaqeeyo, amaba wax-yaalo uu qabto.






Waxaan ogaaday inuusanba Najiib wax jaceyl ah ii qabin, markasta oo aan isku dayo inaan Najiib la-kulmo ayuu taasi iga diidi jiray, si kastaba ha-ahaatee Najiib waxaan ogaaday in’uusan ii soo jeedin oo uu iga sii jeedsaday, waxaan bilaabay inaan iska ooyo, iska calaacalo, xilli kasta waxaan qabsan jiray dhabanada, waxaan la-yaabay sida uu isku badlay Najiib, ALLE xanuun badanaa, tani waxaa dareemi kara oo qura ruux horey jaceyl u soo maray, amaba maanta ku guda jira.






Hada xaaladda waxay mareysaa inaan iska ooyo, kolka aan Najiib wacana in’uusan sifiican ila hadlin, inaan muuqaalkiisa arkana iskaba daa, hadaba akhristayaal waxaan idinka codsan lahaa bal inaad iga soo talla siisaan, sidii aan dib ugu helli lahaa wiilka aan ifka ugu jeclahay ee Najiib.






Fiiro Gaar ah: Fadlan dadka fikradaha ka dhiibanaaya dhacdooyinka waxaan ka codsaneynaa, kaliya inay ka hadlaan mowduuca ay sheekadu ku saabsan tahay, wixii anshaxa ka baxsana aysan kusoo qorin qeybta fikradaha, Mahadsanidiin.