Garasha xumada carabta iyo Qabweynida reer galbeedka (xiligu waa 20-03-2011 maxaa dhacay 20-03-2003) sideed sano kahor. Dib u xasuuso Maantoo kale sideed sano kadib maxaa isku taariikh loogu beegaya

maxaa isku taariikh loogu beegaya aqristoow bal dib u celi xusuustaada.

Waa maalinimo Khamiis ah taariikhduna waa 20-3-2003 abarihii 5tii subaxnimo ayaa hal mar guud ahaan dalka ciraaq gaar ahaan daafaha magalada Baqdad is qabsaday dhawaqa madaafiicda loo yaqaan kuruuska ee an loogu tala galin in lagu wax yeelayo goobaha eey shacabka dagan yihiin hadaba dagalka waa uu isbadalayay marba heerar iyo wajiya cusub ayuu yeelanayay hadaba dowlada Maraykanka oo dagaalkaas oday ka aheyd aya sheegtay in dagaalkii dhulka uu ka bilaabmay kaddib markii ciidamada Maraykanku ay bilaabeen in ay ka gudbaan xadka u dhexeeya Kuwait iyo Ciraaq.

TV-yada caalamka oo dhan ayaa soo saaray sawiro muujinaya kolonyo taangiyada Maraykanka oo ku sii socda Koonfurta dalka Ciraaq.

Qacdii hore hore ee dagaalka TV-ga CBC ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku hogaaminayo ay qabsadeen dekadda al-Faw. Sida ay werisey hay'adda Reutersna, askarta Maraykanka ayaa calanka ameerikaanka ka taagey meel marso (deked yar) ah oo u dhow Umul Qasar waxyar kaddibna ka dejiyey calankaas Maraykanka, sabatana lama macnayn sida ay hay'adu werisey ileyn wa dabeecadaha gumeestaha lagu yaqaane.

Ra'iisul wasaarahi hore ee dalka Ingiriiska Mr tony Blair, waxa uu yiri dagaalkan (ciraaq) ma noqon doono mid si degdeg ah ku dhamaada oo waa sii seeta dheeraan doona hadalkaasna waxa laga joogaa 8sano oo buuxda wax kalana lagama dhaxlin anan aheyn kheeyraadkii dalkaas haba ugu horeeyo ceelashii shidaalka oo xaalufin ba'an lagu qaaday iyo leyn shacab oo aan kala sooc laheyn kuwii soo dhaweyay iyo kuwii huwantaba kasoo horjeeday waayo horaa looyiri "gumeestuhu gumiciisu kala garan mayo kani waa garabkaaga"
Wax yabihi lagu xasuustay qacdii hore ee dagaalki ciraaq waxa kamid ahaa Wasiirki hore ee warfaafinta Ciraaq, Mohammed Al-Sahaf oo mar qura soo jiitay saxaafada caalamka af walbaba haku hadashee mar walbana ku cel celin jiray xili uu dagalka ka socday gudaha caasimada dalka ee Baqdaad mar walba in Saddam Xuseen uu bedqabo xili inta badan dalka eey gacanta ku dhigeen huwantii uu Maraykanka hormuudka u ahaa.
Hadaba aqristoow maxaa laga dhaxlay dagaalkii ciraaq qof walba oo wax fahmi karo durbadiiba waa dareemi karaa mirihi laga gurtay dagalkii ciraaq haba ugu horeyso Madaxweynihii dalkaas ee Sadam Xuseen oo maalinimo ciid ah sidii xoolihi oo kale la marjiyay inkastoo dadka damiirka leh shegeen in uu ahaa geesi garab waayay waloow markiisi horayba jaal la ahaa kuwii dibinka u dhigay kana dambeyay bur burintii xukunikiisi iyo dalkii labadiisi wiil ee Cudaya iyo Qusaya.
sidoo kale waxa la dhihi kara dhaxalka ugu muhiimsan ee laga dhaxlay aya ahaa in wadamada Islaamka haba ugu horeeyso dunida carabta in eey reer galbeedku tusiyeen in eey kayeeli karaan wixii eey doonaan si walbana loogu soo duuli karo ayadoon fasax laga heysan Qaramada midoowday.
waayo dalka ciraaq mar marsiyadii lagu weeraray waxa eey aheyd in Sadam Xuseykii dalkaa xukumi jiray heestay hubka wax gumaada wax badana waa la isku dayay i qaraarka la meel mariyo si uu xalaal u noqodo dulaankaas lakinse caga jiid daba dheeraday kadib ayaa hal mar sidii roobka oo kale looga dhigay madaafiic waa weyn ugu dambeyntiina sheegashadii arinkas aya noqotay been lagu doonayay shidaalka uu hodanka ku ahaa dalkaassamar siiyay oo naftiisa kula taliyay "hadiiba mar gacanta lagu soo dhigay Sadaam Xuseen garabna kawaayay dalalki carbeed maxey kaliga kugu dhiceysa dharbaaxada isbahesatada NATO soo kuuma roona in aad Madax kusheegyada Khaliijka oo kale u dhaqantid maxaa jidkii Sadaam kubaxay u raaceysa war hooy ha isku dhiman".
Hadaba xusuusinta dheer ayan kala dan leenahay hadaanu nahay bahda Saxaafada maxaa isku xili loogu beegaya duqeyntii Ciraaq iyo tii xalay ee Libiya ileyn labaduba waa 20ka bisha sadaxad ee March waayo tii Ciraq waxa eey aheyd 20-03-2003 maantana waa 20-03-2011 su'aalaha qof walba oo wax fahmaaya uu is weydiinayo ayaa ah:-

1.Hadii laga guuleesto Qadaafi sidii Sadaam oo kale maalin Carafa armaa ladal dalaaa si loogu bahdilo Shucuubta muslimka?.
2. Halkuuna ku dambeyn doona wiilkisa hada jadbeysan ee Seyful Islaamka una dhaqma sidi labadi wiil ee Sadam waa Cudaya iyo Qusaye?.
3.ku xigeenadisa ma raaci doonaan wadadi eey raceyn kuwii ciraaq ee Daha yasiin iyo Cali kiimiko oo ayagana mala Dili doona waaba hadii laqabte?.
4-waxa loo socdana waa Shidaalke bililiqadaas maka duwanan doonta tan dalka ciraaq?.
5.Shacabkase qaxooti meey noqon doonaan sida kuwa Ciraaq oo kale mise xal ka fiican kan eey hada diidan yihiin ayey la iman doonaan?.
Guntidii iyo gaba gabadii maqaalkan waxaan leenahay Taariikhdu aya macalin u ah waxa dhacaya ee aan u kaadino aqristayaal su'aalahaas maankiina ka guuxaya waan arki doonaa waxa uu kuyiraah xilige.

By : Sulaiman Bashiir Omar