Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud “Barnaamij Xiiso Leh”

Waa barnaamij xiiso badan oo maalin kasta oo jimco ah aanu soo saari doono, iyadoo uu barnaamijkani noqon doono mid ay si’ weyn u xiiseeyaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed haddii uu RABI Idmo.

Barnaamijkaan xiisaha badan ayaa wuxuu iskugu jiri doonaa Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini iyo Maadiba leh, iyadoo intoodu badan ay noqon doonaan kuwo Diini ah, si’ay uga faa’iideystaan Ummada Soomaaliyeed.
1-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhashay asxaabigii weynaa ee Osama Bin Zeyd Rc?

Jawab:- Wuxuu dhashay Lix sano kahor Hijriyada.
2-Su’aal Sheeg markii uu dhashay Osama Bin Zeyd Rc, Nebiga “NNKH”, si’aad ah ayuu u farxay, hadaba sheeg sababta uu Nebiga “NNKH” u farxay?

Jawab:- Maxaa yeelay Osama Bin Zeyd RC, wuxuu dhashay xilli uu Nebi “NNKH” uu ka sheekeenaayay dhibaatada Gaaladii Qursheyd, iyo isaga oo doonaayay in uu gaarsiiyo Diinta, isla-markaana wuxuu Nebiga “NNKH” uu aad u jeclaa Osama aabihii, ee Zeyd Bin Xaarith Rc.
3-Su’aal Sheeg maxay Asxaabta Nebiga “NNKH” ay ugu yeeri laheyd Osama Bin Zeyd?

Jawab:- Waxay ugu yeeri jireyn "kii uu jeclaa Rasuulka “NNKH”.

4-Su’aal Sheeg magaca Osama Bin Zeyd Rc hooyadii”

Jawab:- Waxaa weeye Barakatu Al-Xabasha, laakiin waxaa lagu naaneysaa “Ummu Ayman Rc”
5-Su’aal Sheeg Barakatu Al-Xabasha ama Ummu Ayman oo ay ahayd hooyadii Osama Bin Zeyd, waxay ahayd addoomad, hadaba sheeg yeey addoomad u ahayd”

Jawab:- Waxay addoomad u ahayd Aamina Bintu Wahab, oo ah Nebiga “NNKH” hooyadii.
6-Su’aal Sheeg qaddarin iyo maamuus aad u weyn ayuu Rasuulka “NNKH” u haayay Ummu Ayman, hadaba sheeg waa maxay sababta?

Jawab:- Aad iyo aad ayuu u jeclaa, Wuxuu u ixtiraami jiray sida inay dhashay oo kale oo ay tahay hooyadiis. Wuxuu Rasuulka NNKH” inta badan oran jiray hadal macnihiisu ahaa " Ummu Ayman waa hooyaday marka laga reebo hooyaday kadib, waxay ka hartay ahlu-baytkayga".
7-Su’aal Sheeg Osama Bin Zeyd Rc wuxuu kamid ahaa Asxaabtii ugu da’da yareyd ee Nebiga “NNKH”, hadaba sheeg mid kamid ah caruurtii Nebiga “NNKH” uu awoowga u ahaa oo ay isku da’ ahaayeen?

Jawab:- Waxay isku da’ ahaayeen Xasan Rc, oo ay dhashay Nebiga “NNKH” gabadhii uu dhalay ee Fatima “RC”.
8-Su’aal Sheeg Sheekh Bashiir muxuu kula dagaalamay gumeystihii cadaa ee Ingiriiska?

Jawab:- Wuxuu kula dagaalamay ciidan ahaan, isagoo difaacaaya Diinta iyo Dalka.
9-Su’aal Sheeg halyeeygii weynaa ee Faarax Oomaar gumeystihii cadaa ee Ingiriiska muxuu kula dagaalamay”

Jawab:- Wuxuu kula dagaalamay dagaalay siyaasad ahaan, si uu dalka uga saaro.
10-Su’aal Sheeg waqtigii ugu horeeyay ee wax laga qoro taariikhda dalka iyo dadka Somaliyed?

Jawab:- Waxaa wax laga qoray muddo laga jooggo 1005 sano, waxaana wax ka qoray nin u dhashay dalka Gariigga oo bad-mareyn ahaa.

Fiiro Gaar ah: Akhristayaal ha-moogaanina barnaamijkaan xiisaha badan oo aanu maalin kasta oo Jimcaha soo saari doono haddii uu Eebe Idmo.