Korooso Aqoontaada Su'aal iyo Jawaabo Diini iyo Cilmi ah !!!!

Waa barnaamij xiiso badan oo maalin kasta oo jimco ah aanu soo saari doono, iyadoo uu barnaamijkani noqon doono mid ay si’ weyn u xiiseeyaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed haddii uu RABI Idmo.

Barnaamijkaan xiisaha badan ayaa wuxuu iskugu jiri doonaa Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini iyo Maadiba leh, iyadoo intoodu badan ay noqon doonaan kuwo Diini ah, si’ay uga faa’iideystaan Ummada Soomaaliyeed.
1-Su’aal Sheeg Asxaabigii afhayeenka u ahaa Asxaabtii u hijrootay Ardul Xabash?

Jawab: Waxaa weeye Asxaabigii weynaa ee Jacfar Bin Abii Daalib Rc.
2-Su’aal Sheeg kumaa ugu soo hor Islaamay reer Madiina?

Jawab: Waxaa weeye Asxaabigii weyna ee Sacad Bin Suraara Rc.
3-Su’aal Sheeg kumaa ahaa ruuxii ugu horeeyay ee Islaamka u hijrooda?

Jawab: Waxaa weeye Asxaabigii weynaa ee Cusmaan Bin Cafaan Rc.
4-Su’aal Sheeg dagaalkii weynaa ee Uxud, kumaa Gaalada hogaaminaayay?

Jawab: Waxaa hogaaminaayay Abuu Sufyaan Bin Xarbi.
5- Su’aal Sheeg sanadkee ayuu Shahiiday Asxaabigii weynaa ee Muscab Bin Cumeyr Rc?

5-Jawab: Wuxuu Shahiiday sanadkii seddexaad ee Hijriyada.
6-Su’aal Sheeg dagaalkee ayuu ku Shahiiday Asxaabigii weynaa ee Muscab Bin Cumeyr Rc?

6-Jawab: Wuxuu ku Shahiiday dagaalkii weynaa ee Uxud.
7-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhacay dagaalkii weynaa ee Uxud?

7-Jawab: Wuxuu dhacay sanadkii seddexaad ee Hijriyada.
8-Su’aal Sheeg kumaa alifay heestii caanka ahayd ee Alif La Kordhabey, Alif La Hoos Dhabey Alif Laa Goday?

8-Jawab: Waxaa alifay hal abuurkii weynaa ee Saciid Saalax Axmed.

9-Su’aal Sheeg Buurta ugu dheer dalka Soomaaliya?

9-Jawab: Waa Buurta Suurad.

10-Su’aal Sheeg Buurta labaad ee ugu dheer dalka Soomaaliya?

10-Jawab: Waa Buurta la-yiraahdaa Siraad, waxayna Buuraha Suurad iyo Siraad ay ku yaallaan gobolka Sanaag.

                  Diyaarintii Sulaiman Bashir Omar
                   http://www.somtalk.blogspot.com/
                     Borama Office