MA OG TAHAY AKHRISTOOW !! !! !! ????

      
@ Ma ogtahay in indhahaagu aanay korin (waynaan), maalintaad dhalatay intay leekaayeen ayuunbay imikana leeg yihiin

@ ma ogtahay in lacatga aan laga samayn waraaqo, ee laga sameeyo Cudbi.


@ Ma ogtahay in dadka china ku nool ee Englishka ku hadlaa ay ka badan yihiin dadka maraykan dagan oo dhan.

Ma ontahay in aanad ilmaynayn marka aad basasha jarjarayso, hadii aad xanjo calaashato.

@ Ma ogtahay in digaaga caalamka ku nooli ay ka badan yihiin dadka caalamka ku nool.

@ Ma ontahay in maroodigu uu yahay xayawaanka kaliya ee aan boodin.

@ Ma ogtahay in ay ku adagtahay qofka inuu is dilo isagoo neefta iska qabanaya.

@ Ma ogtahay in cuntada kaliya ee aan xumaanin hadii ay mudo taalo uu yahay Malabka.

@ Ma ogtahay in Yaxaasku aanu carabkiisa soo saari karin.

@ Ma ogtahay in doofaarku aanu cirka eegi karin.

@ Ma ogtahay in 50% dadka caalamka ku nooli aanay waligoodba telephone ku hadal.

@ Ma ogtahay in coco colaha midabkiisa dabiiciga ahi uu yahay green.

@ Ma ogtahay in ninku uu akhriyi karo xarfo aad u yaryar marka loo eego Gabadha, Gabadhuna maqalkeedu ka xoogan yahay ka ninka.

@ Ma ogtahay in ay sadexdan kalmadood kugu adagyihiin isticmaalkoodu: Waan ku jeclahay, Waan ka xumahay iyo I caawi.

@ Ma ogtahay in dadka ku labista dharka cas ay yihiin dad naftooda ku kalsoon in badan.

@ Ma ogtahay in dareenkaaga aad ku sheegi karto qoraal, halka aad ka sheegi lahayd qofka oo ku hor taagan. lakin ma ogtahay in ay ka qiimo badantahay qofka oo ku hor taagan inaad usheegto dareenkaaga.

@ Ma ogtahay in qiyaastii hadalkaagu maalintii uu gaadhayo 5,000 oo kalmadood, lakin (%80) aad naftaada la hadlaysay.

@ Ma ogtahay in biyaha kululi ay ka hor fadhiisan (dhagaxoobi) ogyihiin biyaha qabaw marka la qaboojiyo.

@ Ma ogtahay in lafta ugu yar lafaha biniaadamka ay ku taalo dhagta qaybta dhexe, dhererkeeduna gaadho 0.11 inch (0.28 Cm)

@ Ma ogtahay in duqsiga guriga joogaa yahay xayawaanka caanka ah ee dadka khatarta ugu badan ku haya, waayo wuxuu ku soo istaagaa saxarada hadana guriga ayuu ku soo noqdaa.

@ Ma ogtahay in kaneecadu ay leedhay 47 ilig, bakayluhuna 28 ilig, maroodiguna 32 ilig, geeluna 34 ilig, Ayduna 42 ilig.

@ Ma ogtahay in ilmahaaga hadii aad ku celceliso kalmada ah Doqon yahaw inuu noqon karo doqon.

@ Ma ogtahay in qudhaanjadu aanay seexan.

@ Ma ogtahay in midabkii uu jeclaa Nabi Muxamed (SCW) uu ahaa midabka akhtarka "Green"

@ Ma ogtahay in Biyaha iyo saliidu ay isku milmi karaan hadii aad in yarr oo saabuuna ku rido.

@ Ma ogtahay in nooluhu marka uu wax calaashanayo, wuxuu dhaqdhaqaajiyaa daanka hoose, marka laga reebo Yaxaaska oo isagu ka sare dhaqdhaqaajiya.

@ Ma ogtahay in farasku uu ku taagnaan karo lugihiisa mudo Bil ah.

@ Ma ogtahay in kaneecadu 100 indhood ku leedhay madaxa, guudkeedana ay ku dul nool yihiin xasharaad aad u yaryar oo microscope ka uun lagu arki karo.

@ Ma ogtahay in baryada dadku kugu nacayaan, ilaahayna kugu jeclaanayo.

@ Ma ogtahay in Diraasad uu sameeyay caalim iswiidhish ah uu ku ogaaday in kabaha cidhibta dheer ee dumarku xidhaan ay ku keeni karaan maskaxda waalli !

@ Ma ogtahay in macluumaadkan aan ka soo uruuriyay websiteyo kala duwan.

@ Ma og tahay inuu diyaariyay walaalkeen Saleebaan Bashiir Cumar