JACAYL U SAMIR AMA KA SAMIR ( QAYBTA 1AAD )

Lamaane calafku isa siiyay ayay qisadani ka hadlaysa, waa wiil waxbarasho u banbaxay iyo gabadh shaqo iyo axdiga jacaylka isku wada
duruufo badan ayaa bar bilow ilaa bar dhamaad hadheeyey sheekadan ee akhris wanaagsan.

Bilawgii hore qoyska inantu waxay diideen in ay siiyaan inantooda wiilka ay jeceshahay, sababo la xidhiidha qoyska uu ka soo jeedo waxayna u arkayeen inanka mid aan u qalmin inantooda. Arrintani ma ay farxad gelin lamaanaha is jecel, waxayna murgisay xidhoodhkooda. Inantu waxay ku cadho burburtaa wiilka, isna afkiibaa juuqda gabay oo wuxu ku hadlo ayuu garan la’yahay. Sanado badan ayaa ka soo wareegay, waxay arrintu sidan ahaatoba, ugu danbayntii wiilkii wuxu dhamaystay waxbarashadisa, wuxuna go’aansaday inuu sii wato tacliintiisa oo dhamaysto qaybaha ka hadhay. Isaga oo aan weli dhoofin ayuu maalin maalmaha ka mid ah telefoon u diray inantii wuxuna u shegay inuu tagayo oo dal kale tacliintiisa kusoo qaadanayo, wuxu ku yidhi: ” waxa aan hubaa jacaylka aan kuu hayo, hadaad igu raacdona noloshada inta ka dhiman aniga ayaa dusha u ritay. Arrinta qoyskiinana, ka hadhi mayo oo waxan isku dayayaa inaan bedelo fikradooda. Adna waxan kaa codsanaya inaad igu garab gasho arrinkaas” Inantiina, ‘hawraarsan’ ayay ugu jawabtay.

Inankii wuxu ka fekeray sidii uu inanta reerkooda ugu qancin lahaa inay isu hibeeyaan, jiif iyo joogba waa loogu taag waayay, waqtigu wuu hayaa oo dhoofkiisa ayaa soo dhow, talo way ka kala yaacsantahay, waxbaa maskaxdiisa ka dhex guuxaya, habeeno badan ma ledin, hurdo la’aanta waxa ugu biiray feker badan. Nin habari dhashay hal ma seegi waayee, wixii rag u kaco rabina aqbalo way rumoobaane, wiilkii wuxu arrinta rog rogaba, wuxu qaatay go’aan ragonimo. Wuxu is tusay inuu geesinimo yeesho, oo inanta reerkooda sidii xeer ahaan jiray rag u kaxaysto si loogu soo qanciyo arrinta guurka.

Waqtigu wuu hayaa, tolow yaa saacada u yar joojiya, goor galab ah oo roob barqadii da’ay biyihii iyo daadkii kasoo rogmaday buuruhu weli dhulka sii qulqulayaan ayaa koox guurti ah oo hab dhaqan iyo xushmad leh oo aad moodo in loo darbay sida dadka loo qanciyo, erayba erayga uu ka haboonyahayna odhan og, ayuu inanki ku jiheeyey inanta reerkoodii. Markii madashii la gaadhay, reer Islaameed warama iyo belo ma ogina lays yidhi, martidiina qol heersare ah la fadhiisiyay waxa la guda galay hadafkii loo socday, qoladii guurtidu fariintii dhiibe, odaygii inanta dhalay iyo intii ka agdhowaydna rog roge taladii, aakhirkiina gudoonay fariintiinii, inantiina waanu idin siinay ayaa lagu kala tagay, iyo mahad Alla lehe, sharaf iyo ducaanu idinkaga tagnay.

Habeenkaa, inankii farxad aan hore loogu arag iyo dhoola cadayn qurux badan ayuu ku habeensaday. Maalmo kadiba, waxa la guda galay xafladii meherka, inankii iyo inantiina halkaas bay ku noqdeen ul iyo diirkeed. Inankii sidii balantu ahayd wuxu u safrayaa dal kale si uu waxbarashadiisa u sii wato, inantuna shaqadeedii ayay sidii caadada u ahayd ka hawl gashaa. Intii lakala maqnaa, xidhiidhku ma istaagin, oo waxa la yahay hal bawlaha dhiiga qaada iyo wadnaha dhiiga qaybiya, telefoon iyo dhambaaloba wixii lagu wada xidhiidhi karayay waa la joogteeyey. Xaalku wuxu noqday dhoof nooli kulantee, ha dhantaalin caashaqa dhakhso waan u soo noqon, inkasta oo duruufuu kala fogeeyeen lamanahan cusub, hadana mid kastaaba dhankiisa ayuu ka ilaaliyay kana xaq dhawray axdiga dhex yaala.

LASOCO QAYBTA LABAAD IYO SOO DIYAARINTII    SULEIMAN BASHIR