14 Million oo Yahuud ah ayaa ka awood iyo aqoon badan 1.5 Billion Muslimiin ah Sideey ku dhacday?

Tiradda Yahuuda Aduunka waa 14 Milyan

7 milyan waxeey ku nooshahay Ameerika
5 Milyan waxeey ku nooshahay Asiya
2 Milyan waxeey ku nooshahay Yurub
100 kun Afrika ayeey degen yihiin
Tirada Muslimiinta Aduunka waa 1.5 Bilyan

1 bilyan oo Muslimiin ah waxeey ku nool yihiin qaaradda Asiya iyo Bariga Dhexe
440 Milyan oo Muslimiin ah waxeey degan yihiin Qaaradda Afrika
44 Milyan oo muslimiin ah ayaa ku nool Yurub
6 Milyan oo Muslimiin ah ayaa degan qaaradda Amerika
5ttii qof oo dunida ku nool qof baa Muslim ah
Qof kasta oo Hindu ah waxaa ku soo begmaya laba Muslim ah
Qof kasta oo Budhiista ah waxaa ku soo beegmaya laba Muslim ah
Qof kasta oo Yahuudi ah waxaa ku soo beegmaya 107 Muslim ah
Haddana 14 yahuud ah ayaa ka aqoon iyo awood badan 1.5 bilyan oo Muslim ah.
Sideey ku dhacday ayaan darraddan?
Sababta waa sidan:
Dadka taariiqda dunida maanta saameeynta ku yeeshay oo dhaqaajiyay
Albert Einstein caalim sayniska fiisikiska waa yahuudi
o Sigmund Freud caalim cimi nafsiga waa Yahuudi
o Karl Marx caalimka mabda'a hantiwadaaga waa yahuudi
o Paul Samuelson- Caalimka dhaqaalaha waa Yahuudi
o Milton Friedman Caalimka dhaqaalaha waa Yahuudi
Cilimga Daawadda iyo dhaqtarnimadda
Vaccinating Needle: Benjamin Ruben Yahuudi waa ninkii alifay cirbadda talaalka
o Polio Vaccine Jonas Salk Yahuudi waa kii alifay talaalka cudurka Polio
o Leukaemia Drug Gertrude Elion Yahuudi - waa ninkii alifay daawadda cudurka kansar duuxeedka
o Hepatitis B Baruch Blumberg Yahuudi - waa ninkii helay daawadda cagaarshoowga
o Syphilis Drug Paul Ehrlich Yahuudi - waa ninkii helay kashifay daawadda cudurka isfiilitadda
o Neuro muscular Elie Metchnikoff Yahuudi - waa ninkii helay dawadda xididadda murqaha
o Endocrinology Andrew Schally Yahuudi waa ninkii alifay barashadda unugyadda iyo dheecaanadda xubnaha jirka
o Cognitive therapy. Aaron Beck Yahuudi waa ninkii alifay daawadda dhimirka iyo nafsiyadda
o Contraceptive Pill Gregory Pincus Yahuudi - waa ninkii alifay kaniiniga ka hortaga uur qaadida
o Understanding of Human Eye. G. Wald Yahuudi waa ninkii helay fahanka isha bini'aadanka
o Embryology. Stanley Cohen Yahuudi - waa ninkii alifay barashadda bacriminta ugxanta unugga
o Kidney Dialysis Willem Kloffcame Yahuudi - waa ninkii alifay sida kelyaha loo sifeeyo
Biladda Nobel Prize-ka waxaa ku guuleeysta 180 yahuudiyiin ah oo aqoonyahano ah, halka Muslimiinta ku guuleeysatay eey yihiin oo kaliya 3 kuwaasoo ahaa laba siyaasi Anwar Sadat iyo Yaasir Carafaat oo labadaba mar la saxiixday hishiis dalka Israa'iil iyo Shiriin Cabaadi oo u dooda xaquuqda insaanka una dhalatay Iiraan.
Wax alifaadka iyo soo saarisyadii bedelay Aduunka
o Micro- Processing Chip. Stanley Mezor Yahuudi - waa kii alifay chipka computerska ku shaqeeyo
o Nuclear Chain Reactor Leo Sziland Yahuudi waa kii alifay aaladda silsiladda lagu dhaliyo awooda nukliyeerka
o Optical Fibre Cable Peter Schultz Yahuudi - waa kii alifay fiber ileedka isgaarsiinta
o Traffic Lights Charles Adler Yahuudi - waa kii alifay ishaaradda
o Stainless Steel Benno Strauss Yahuudi - waa kii alifay birta aan daxaleeysan
o Sound Movies Isador Kisee Yahuudi - waa kii alifay codka baaha ee aflaanta
o Telephone Microphone Emile Berliner Yahuudi waa kii alifay codbaahiyaha taleefanka
o Video Tape Recorder Charles Ginsburg Yahuudi - waa kii alifay cajaladda duubta muuqaalka.

Xagga Ganacsiga Dunidda iyo Shirkaddaha ugu waaweeyn
Polo Ralph Lauren Yahuudi
o Coca Cola Yahuudi
o Levi's Jeans Levi Strauss Yahuudi
o Sawbuck's Howard Schultz Yahuudi
o Google Sergey Brin Yahuudi
o Dell Computers Michael Dell Yahuudi
o Oracle Larry Ellison Yahuudi
o DKNY Donna Karan Yahuudi
o Baskin & Robbins Irv Robbins Yahuudi
o Dunkin Donuts Bill Rosenberg Yahuudi
Xagga indeergaradka iyo Siyaasadda
Henry Kissinger , Xooghayihii Mareeykanka Yahuudi
o Richard Levin, Madaxweynaha Jaamacadda Yale Yahuudi
o Alan Greenspan , Bandhiga iyo Qasnadda Dhaxe ee lacag soo saarka Mareeykanka Yahuudi
o Joseph Lieberman Senatoor ah Yahuudi
o Madeleine Albright , Xooghayihii xagga dibadda ee Mareeyknka Yahuudi
o Casper Weinberger , Wasiirkii Difaaca ee Mareeyknka Yahuudi
o Maxim Litvinov , Wasiirkii Arimha Dibadda ee Soofiyeetiga Yahuudi
o David Marshal , Wasiirkii Koowaad ee Singabuur Yahuudi
o Isaacs Isaacs, Madaxweyne Australia Yahuudi
o Benjamin Disraeli, Siyaasi iyo madax ingiriisi Yahuudi
o Yevgeny Primakov, ra'iisal wasaare Ruushka Yahuudi
o Barry Goldwater , Siyaasi Mareeykan ahaa Yahuudi
o Jorge Sampaio, Madaxweyne Boortaqiiska Yahuudi
o Herb Gray, Ku xige Ra'iisal Wasaare Kanada -Yahuudi
o Pierre Mendes, Ra'iisa; Wasaare Faransiis Yahuudi
o Michael Howard, Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Ingiriiska Yahuudi
o Bruno Kriesky, Madaxweyne Austria Yahuudi
o Robert Rubin , Wasiirka Maaliyadda Mareeykan Yahuudi
Dhinaca Warbaahinta Caalamka
o Wolf Blitzer, CNN Yahuudi
o Barbara Walters ABC News Yahuudi
o Eugene Meyer , Washington Post Yahuudi
o Henry Grunwald, Time Magazine Yahuudi
o Katherine Graham , Washington Post Yahuudi
o Joseph Lelyeld, New York Times Yahuudi
o Max Frankel, New York Times Yahuudi
Dhinaca Deeqda iyo Kaalmadda
George Soros Yahuudi
o Walter Annenberg Yahuudi
Sababaha Muslimiinta awood tiray oo dib u dhigay
Dunida Islaamka oo ka kooban 57 dal waxaa ku yaal jaamacaddaha waxbarashadda oo tiro ahaan gaaraya 500 halka Mareeyknka oo kaliya eey ku yaaliin Jaamacaddo kor u dhaafaya 5, 758 muctarif ah oo waaweeyn, Hindiyana eey leedahay 8,407 Jaaamacaddo ama Kuliyaddo.
Hal ka mid ah Jaamacaddaha Islaamka kuma jiro 500 ee Jaamacaddo ee dunidda ugu sareeya xaga aqoonta iyo waxbarashadda.
Dunidda Masiixiga dadka wax aqriya ama wax qora waxaa lagu qiyaasaa 90% , halka dunidda Islaamka eey tahay inta wax qorta ama aqrin karta wax ka yar 40%.
15 ugu weyn wadamadda Masiixiiyiinta ah aqoontu waa 100%, dhinaca Muslimiintuna waa EBER.
98% dadka ku nool wadamadda Masiixiyiinta waxeey dhameeyaan aqoonta dugsiyadda hoose, halka dunidda islaamkuna 50% eey tahay tiradda aada dugsiyadda hoose.
40% wadamadda Masiixiyiinta dadka ku nool waxeey heeystaan aqoon xagga jaamacadda ah, Muslimiinta ayaa dhigaas ku beegmay 2%.
Wadamadda Islaamku halkii milyan waxaa aqoonyahan ah 230. Mareeykanka halkii milyan 5000 ayaa ah aqoonyahan ah.
Dunida masiixiga halkii milyan 1000 ayaa farsamayaqaan ah.
Wadamadda Carabta halkii milyan 50 baa farsamayaqaan ah.
Dunidaa Islaamku waxeey cimi baarista ku bixisaa 0.2 daqliga soo gala meesha dunida masiixiga ku bixiyaa 5% cilmi baaris iyo horumarin.
Gabagabo Dunidda Islaamka waxaa ka maqan awood eey ku soo saarto aqoon.
Si kale oo loo fiiri karo heerka aqoonta waa heerka uu gaarsiisan yahay baahinta aqoonta.
Pakistan waxaa ka soo baxa 23 wargeys kunkii qof ba
Singabore 360 Wargeys ayaa ku soo aada kunkii qof
Ingiriiska cinwaanadda buugaagta cusubi waa 2000 halkii milyan oo qof ku soo aadaya
 Masar waxaa halkii milyan ku soo begma 20 cinwaan buug
Taas waxaa ka cad in dunidda Islaamku ku liidato baahinta iyo isgaarsiinta aqoonta.
Sida loo isticmaalo aqoonta.

Pakistaan waxeey 1% dhoofisaa aqoonta dhinaca sare ah.
Sacuudi Carabiya, Marooko, Kuweyt, Algeeriya aqoonta sare dhoofinta waa 0.6%
Singabuur oo kaliya ahaa dhoofisa 58%
 Iska iloow Japan, Yurub, Amerika iyo Shiinaha iyagu kor beey u dhaafayaaan 500%
Haddaba gabagabadu waa in dunidda Islaamku dib u dhacday kuna jirto dib u dhac weyn Soomaaliya xagee beey ka galeeysaa aqoonta. Wax kasta waa Eber iyo wax ka sii hooseeya Eber oo dhinaca taban ayaan ugu horeeynaa jahli , gaajo, burbur, dhimasho, maskax gaabni, indheer garadnimo iyo weliba dareensanaan la'aanta mugdiga aan ku jirno.Wiilka iyo Gabadha yahuudka u dhalatay waxaa lagu abaabiyaa ineey noqdaan dhaqaatiir iyo qareeno halka cunuga Soomaaliga ah lagu abaabiyo reer hebel baa tahay iyo reer hebel baa col kuu ah.
Wiilka Soomaaliga ee toban jirka inuu macluul u dhinto ama mooryaan noqdo ama cuuryaan madfac lloga dhigo waa 50% Gabadha Soomalidda ah ee tobon jirka waxeey u badan tahay ineeysan 97% aadin ama helin fursad eey ku aado dugsi, waxeey u badan tahay 100% in la gudo, 50% in la faraxumeeyo, 50% ineey ku dhimato foosha.