Waa maxay nolosha xaqiiqda ah?

Waa muhiim in laga hadlo waxa ay tahay nolol , waxaa igu ka lifay inaan maqaalkan qalinka u qaato ka gadaal markii ay dhagaheyga ka daaleen maqalka waxaa is dilay qof

markii uu nolasha raaxo ka waayay ama qof ayaa sun cabay ama

is gubay iyo Dad Asxaab ah ay is waayeen !!.
Marka hore waxaa muhiim ah in aynu qeexno wa maxay nolol?
Maxaa keeni kara in uu qofku nolasha ka qananaaso?
Iyo su"aalo kale oo farabadan. Waa hubaal in warar farabadan laga yiri weedha nolol Sharaxaad baddana ay lee dahay. Dhab ahaantii hadalada laga yiri nolasha laguma soo koobi karo maqaal iyo maqaalo midna lakiin waxaan isku dayayaa inan ka soo qaato kuwa ugu muhiimsan. Aan ku hormaro kitaabka Alle oo ugu weyn wax la daliishado
waxa jiro ayaado farabadan oo ka hadlayo nolasha iyo waxa aytahay, Guud ahaan diiniyan nolashu waa inaad fuliso wixii uu rabi ku faray kana harto wixii uu kaa reebay, waana ujeedka nolashan oo dhan waxa ay ku saleysantahay, intaa markii laga helo waxaad ku noolan doonta nolal wanaagsan sida ku cad suuratul Naxli ayaada 96 aad, hadiise lagaa waayo arintan waxaad gali doontaa nolol cariiri ah, sida ku cad ayaada 123 aad ee suuratul dhaah.
Marka aan ka soo gudubno kitaabka quraanka waxaan nolasha ku tilmaami karnaa inuu ruuxa aadanaha ah uu heysto baad iyo biyo ku filan naftaaduna ay ku qanacsantahay waxa aad heysato.Waa xaqiiqo in dadbadan ay u heystan in nolasha oo dhanba ay tahay in lagu raaxeysto State ka ama Yurub, ama in la noqdo Siyaasi caan ah lakiin hadii la weydiin laha dadka ku nool State–ka ama siyaasiyiinta waxaa marag madoonta ah inay nolasha ku tilmaami lahaayeen wax kale.
Qofkasta waxa uu nolasha u yaqaanaa waxa markaa isaga ka maqan oo uu jecelyahay tusaale ahaan qofka faqiirka ah wuxuu nolasha u yaqaan in uu milyaneer noqdo, wiilka wax jecel ama gabadha wax jecel waxay nolasha oo dhan u yaqaaniin inay is hantaan oo kali ah qofka uu jecelyahay laakiin nolasha intaa waa ay ka baxaad weyntahay.
Nolashu waxay u qeybsantaa sadax qeybod oo kala ah:

1. Dabaqadda sare 2. Tan dhexe iyo 3. Tan hoose


hadii aan si koo ban u sharaxo waxa ay kala yihiin dabaqadahan tan kowaad oo ah dabaqada sare :
- waxaa ku nool dadka uu Eebbe u waasiciyay risiqa heystana intii ay u baahnaayeen iyo in kabadanba .

- tan dhexe:
waxaa ku nool dadka wax heysta hase ahaatee aysan iyaga ka rooneen,
-tan  hoose
 waxaa ku nool dad aan waxaba heysan oo ku dulnool umada ilaahey.
 Waxaa loo sameeyay sadaxdan dabaq oo u eg sida jaran jarada oo
kale xigmad uu rabi kaliya ogyahay, waxaa kaloo ku jira imtixaan la isku imtaxaanayo in ay dadku is tageerayaan iyo in kale.
Mid kasta oo ka mid ah dadka ku nool dabaqadahan waxaa heysto dhibaato u gaar ama ka wada dhaxeysa. Ka sokow dhibaatada heysta waxaa jira dagaal soo jireen ah oo u dhaxeeyo dabaqadahan, dagaal kani wuxuu salka ku hayaa isfahami waa iyo is quursi, waxaa isku dhan ah Dabaqada hoose iyo tan dhexe waxayn col ku yihiin tan sare badanaa waxay ku ee deeyaan dadka sare in ay yihiin dad isla weyn badanaana ku faana kuna awood sheegta hantida uu rabi hibada usiiyay taa oo marar badan la arko inaysan waxba u ogoleen kuwa ka hooseeyo, halka dadka nolasha sare heystana ay ku Andacodaan inta badan kuwa ka hooseeyo in ay yihiin kuwa dhib ku haya ha yeeshee aan laga raaxeysan Karin xiliyada firaaqada la heysto, waa suaale maxaa
keenay arintan ?
waxase marag madoonta ah in aragtida ugu badan ama eedaha ay ujeediso dabaqadini kuwa ka hooseeya ay tahay waa Su’aasha faraha badan, iyo dawarsiga aan dhamaadka la heyn ee badanaa kaga yimaada dadka faqriga ah ama kuwa ay noloshoodu hoosayso horaase loo yiri ( ha u faanin waligaa ruuxu faraqu maran yahay ileen farajka Eebaa markuu doona furayee).
Si kastaba arintu ha ahaatee nolosha ayaa ah qaraar iyo macaan Dhab ah una baahan sabar iyo dulqaad fara badan inuu u yeesho ruuxa aadanaha ah taa oo hadii ruux kasta oo muslim ah laga helo mustaqbalka horumar buuxa uu ka gaari lahaa . waxaa kaloo jiro saaxiibo dadka kaaga dhawaa aad isla nooleedeen mudana aad isla joogteen hadana aad kala maqan tihiin
si walba aad ku kala maqantihiin waxbaa sababay , iyaduna nolasha ayay ka mid tahay qaraar keeda .
Runti waxaa marag madoonto ah shalay dadka is jeclaa saaxiibna ahaa waxa sidaa u kala geeyay waa adduunyo iyo waqtiga oo is biirsaday taasina waxaad ugu gudbi kartaa in aad is raadisaan iskana warqabtaan kiina maqan kiina joogo uu ka war hayo iyo kan joogo kan maqan in uu ka war hayo caafimaadkiisa iyo nolasha uu ku nool yahay intaba.

w/q: Sulaiman Bashiir  ( Souleh )

E-mail: Djibstars@hotmail.com