Sheikh Axmed Deedat oo Ku Geeriyoodey Durban( S.Africa) 87-jir

Daacigii caanka ahaa, dood-yahankana ahaa, Sheikh Ahmed Hoosen Deedat (Axmed Deedat) ayaa maanta oo Isniin ah Agoosto 8, 2005 geeriyoodey.

Sheikh Axmed Deedat oo ah asaasihii jamciyadda caalamiga ah ee faafisa diinta Islaamka ee lagu magcaabo "Islamic Propagation Center International (IPCI)" oo xarunteedu tahay magaalada Durban, dalka Koonfur Afrika, waxa uu si lacag la'aan dunida dacaladeeda ku gaarsiiyey laba million oo ah nuqulada buugaag iyo cajalada video oo ah dacwada Islaamka.

Wadanka uu ku noolaa ee Koonfur Afrka waxaa diinta Islaamka soo galay boqolaal qof oo ay ku jireen dad markii hore faafin jirey diimo kale.

Deedat waxa uu muxaadarooyin iyo dood furan ku qabtay dhammaan daafaha dunida asagoo si guul ah dood furan ula galay in badan oo ah rag faafiya diinta masiixiga.

Waxaa aad loo xusuustaa doodii caanka ahayd ee uu magaalada Durban sannadkii 1981 kula yeeshay baadariga magaciisu layiraahdo Josh McDowell, doodaas oo cinwaankeedu ahaa "Ciise hab saliib ah miyaa lagu diley “Was Christ Crucified?” taas oo baadarigii uu u qushuucay hadalka Deedat.
qiyaasay in Deedat uu qoray ugu yaaraan ugu yaraan 20 buug, kuwa ugu caansana waxaa kamid ah: "The Choice - Between Islam and Christianity; "Is the Bible God’s Word?"; "Al Qur’an the Miracle of Miracles" ; "What the Bible says about Muhammad (PBUH)?"; iyo "Crucifixion or Cruci-Fiction?".


Deedat waxa uu ku dhashay dalka Hindiya degmada Surat, July 1, 1918. Aabihiis oo ahaa Dhar-tole (Harqaanle) waxa uu Koonfur Afrika u haajirey wax yar ka dib dhalashadii Deedat. Sanadkii 1927 ayaa Axmed Deedat Koonfur Afrika ugu daba yimid aabihiis, halkas oo noqotay gurigiisa uu dacwada ka faafiyo.

Sannadkii 1986 waxaa Sh. Axmed Deedat laguddoon siiyeey billaca caalamiga ah ee Boqor Faisal oo loogu abaal mariyey sida uu ugu khidmeeyey diinta Islaamka

Sannadkii 1996 ayaa waxaa ku dhacay xanuun maskaxda ku dhaca oo jirka ka dhiga hawl-gab (stroke), waxaan ka lumay hadalkii. Muxaadaradii ugu dambaysay waxa uu isla sannadkii 1996 ku qabtay magaalada Sydney, Australia, wax yar ka hor intii uusan xanuunsan, wixii xilligaas ka dambeeyeys waxa uu ku ururay sariir.

Bishii October 2000 mar ay SomaliTalk.com telefoon kula xiriirtay guriga Sh. Axmed Deedaat, waxaa wiil uu sheikhu dhalay oo magaciisa la yiraahdo Yuusuf Ahmed naga codsaday in salaan ka timid shiikha aan u gudbino dhammaan Soomaalida, waxaa kale oo uu Soomaalida iyo Islaamka oo dhan ka codsaday in ay u sooduceeyaan Shiikha in Ilaah caafiyo. Maanta oo Isniin ah (Agoosto 8, 2005) mar aan telefoon markale kula xiriirnay Yusuf Axmed Deedat waxa uu naga codsaday in aan fariin gaarsiino umadda Soomaaliyeed oo ah in ay Allah uga baryaan in uu u naxariisto aabihiis Deedat.

Telefonka lagala xiriiri karo Yuusuf Axmed Deedat waa: guriga: 2732-533-1790 ama Gacanta: 2782-670-1652.

Websiteka xarunta dacwada ee uu asaasay Deedat waa: http://www.ahmed-deedat.co.za/