Wax Kabaro Daafaha Dunida: Dalka Jamhuuriyada Argentine


 Dalka jamhuuriyada Argentina (Argentine Republic). Dalka Argentina waxa uu kamid yahay wadamada ku yaala koonfurta America South America, waana wadanka labaad ee ugu dhulka balaadhan marka laga yimaad dalka Brazil. Dalka jamhuuriyada Argentina waxa uu xuduudo la wadaagaa dalalka kala ah Chile, Bolivia, Uruguay, Brazil iyo Paraguay
. Dhinaca galbeed waxa kaga dhereran dalka jamhuuriyada Argentina bada Atlantica (ATLANTIC OCEAN). Caasimada dalka jamhuuriyada Argentina waxa la yidhaa  Buenos Aires, waana magaalo dadka ku nool lagu qiyaaso tiro kor u dhaafaysa 11-milyan ama (11,612,214) sida lagu sheegay tirakoobkii laga qaaday sanadkii 2010-kii.
Bedka: Bedka uu  ku fadhiyo dalka Argentina waxa lagu qiyaasaa  1,068,302.20, oo  (mayl laba jibaaran) una dhiganta 2,766,890.00, (kiiloo mitir laba jibaaran). Dalka jamhuuriyada Argentina waxa ay sadex jeer ka yartahay baaxada  dalka Maraykanka, (slightly less than three-tenths the size of the US).
Dadka: Dadka ku dhaqan dalka jamhuuriyada Argentina waxa lagu qiyaasaa
41-milyan oo ruux, waana tirakoobkii la qaadays sanadkii 2010-kii.
Saadaasha dadka reer Argentina ee sanadka 2050-ka waxa la saadaaliyay in ay gaadhi doonaan in ka badan 50-milyan oo ruux.
Afka: Luuqadaha lagaga hadlo dalka waxa kamid luuqada  Spanish-ka oo ah luuqada koowaad ee lagaga hadlo dalka, waxa kale oo dalka jamhuuriyada Argentina lagaga hadlaa luuqadaha Ingiriisiga  (English),  Talyaaniga (Italian), Jarmalka (German) iyo Faransiiska (French).
Aqoonta: Dadka ku dhaqan dalka jamhuuriyada Argentina waxa lagu qiyaasaa inta aqoonta leh boqolkiiba 96.2%.
Diinta: diimaha ay kala haystaan dadka  ku dhaqan dalka jamhuuriyada Argentina waxa kami ah diinta kiristanka gaar ahaan mad-habta Roman Catholic-ga oo ay haystaan boqolkiiba  92%. Laakiin waxa si caadi ah ugu dhaqma  (in ka yar boqolkiiba   20% ), mad-habta  Protestant-ka waxa iyadna haysta boqolkiiba  2%,  halka ay diinta  Jewish ka haystaan boqolkiiba  2%, guud ahaan diimaha soo hadhay ee ay haystaan dadka reer Argentina waxa lagu qiyaasaa dadka haysta boqolkiiba 4%.
Cimriga: Ragga ku dhaqan dalka jamhuuriyada Argentina waxa ay da’doodu gaadhaa boqolkiiba 71-sano halka dumarka reer Argentina lagu qiyaaso cimarigooda 78-sano.
Dawlada: Qaabka ay u shaqayso dowlada dalka Argentina waa nidaamka Jamhuuriyada  (Government Type republic).
Lacagta: Lacagta lag isticmaalo dalka Argentina waxa layidhaa peso.
Warshadaha: Warshadaha dalka jamhuuriyada Argentina waxa lagu farsameeyaa cuntooyimka, baabuurta, dunta, kiimikooyinka, birta, iyo adeegyo kale oo badan. Beeraha: Beeraha dalka jamhuuriyada Argentina waxa laga beeraa dalagyo ay kamid yihiin Ubaxa looyaqaan sunflower, liinta dhanaanta, Galayda, Tubaakada, Lawska, Shaaha iyo Qamadiga oo dalka Argentina siwayn uga baxa. Dhulka la isticmaalo ee dalka jamhuuriyada Argentina waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 9%.
Khayraadka: Khayraadka dabiiciga ah ee dalka Argentina waxa kamid ah dhul caro fur furan oo nafaqaysan leh gaar ahaan dhul baaxadeedka (Pampas), waxa  kale oo dalka Argentina uu hodan ku yahay macaadiinta lead, zinc, tin, copper, iron ore, manganese, Baatroolka (petroleum) iyo  uranium.

By: Suleiman Bashiir Omar