Wax Kabaro Daafaha Dunida: Dalka Jamhuuriyada Islaamiga Ah Ee Iran

Dalka jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran (Islamic Republic of Iran). Dalka Iran waxa uu kamid yahay wadama qaarada Eshiya gaar ahaan kuwa ku yaala gobolka la bariga dhexe (Middle East). Dalka jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran waxa uu kamid yahay wadamada ugu awooda badan uguna horumarka balaadhan wadamada Islaamka, waxana uu xuduudo la wadaagaa dalal dhamaantood wada Muslima ah oo ay  kamid yihiin Bakistan,
Iraq, Armenia, Turkey, Azerbaijan, Afghanistan iyo Turkmenistan. Dalka jamhuuriyada Iran waxa cidhifka waqooyi/galbeed kaga talaa bada Caspian Sea, dhinaca koonfureedka waxa kaga taala bada la yidhaa bada Beeshiya (Persian Sea). Dalka Iran oo ah xudunta isku xidha wadamada Muslimka ah ee gobolka bariga dhexe iyo dowladaha Muslimka ah ee koonfur/bari Eshiya, ayaa waxa caasimadiisa la yidhaa  Tehran, waana magaalo ay ku dhaqan yihiin dad kor u dhaafaya 8-milya oo ruux sida lagu sheegay tirakoobkii la sameeyay sanadkii 2010-kii.
Bedka: Baaxada dhulwaynaha dalka jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran waxa lagu qadaraa 636,296.36, (mayl laba jibaaran) una dhiganta  1,648,000.00, (kiilo mitir laba jibaaran). Dalka Iran waxa uu ka balaadhan bedka uu ku fahdiyo gobolka galbeedka Maraykanka ee (Alaska).
Dadka: Dadka ku dhaqan dalka jamhuuriyada Islaamka ah ee Iran waxa lagu qiyaasaa in ka badan 73-milayn oo ruux, waana tirakoobkii la qaaday sanadkii 2010-kii. Dalka jamhuuriyada Iran waxa uu kamid yahay wadama ay dadkoodu sida xowliga ah u kordhayaan waxana la saadaliyay in dadka reer Iran ay sanadka 2050-ka ay gaadhi doonaan  in ka badan 100-milyan oo ruux.
Afka: Luuqadaha lagaga hadlo dalka waxa kamid ah luuqada maxaliga ah ee Persian-ka oo dadka ku halla lagu qiyaaso  boqolkiiba 58%,  luuqada Turkigana waxa ku hadala boqolkiiba 26%, Kurdish boqolkiiba 9%, luuqad layidhaa Luri  waxa ku hadla boqolkiiba 2%, halka luuuqadaha Balochi  iyo Carabiga ay ku kala hadlaan dad gaadhay boqolkiiba 2%.boqolkiiba 2%-na waxa ay ku hadlaan luuqado kale.
Aqoonta: Dadka aqoonta leh ee u dhashay dlka jamhuuriyada Iran waxa ay gaadhaan boqolkiiba 72.1%, kamid ah tirada guud ee dadka reer Iran.
Diinta: diinta ugu badan ee  dadka ku dhaqan dalka Iran ay aaminsanyihiin waa diinta Islaamka, oo ay haystaan boqolkiiba 89%, Mad-habta Shiicada, halka ay Sunigana ka haystaan dad gaadhaya boqolkiiba 10%, diimaha kale ee kasoo hadhay Diinta Islaamkana waxa kamid ah  Zoroastrian, Jewish, kiristan (Christian) iyo Baha'i.
Cimriga: Celceliska ragga ku dhaqan dalka Iran waxa ay gaadhaan 68-sano, halka dumarka dalkaasina ay ka gaadhaan  71-sano.
Dawlada: qaabka ay u dhisantahay ama u shaqayso dowlada dalka Iran waa nidaamka  jamhuuriyga ah  (Government Type theocratic republic).
Lacagta:  Lacagta laga isticmaalo dalka waxa layidhaa  Iranian rials, oo loosoo gaabiyo (IR).
Warshadaha: Warshadaha  dalka jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran waxa
Lagu farasameeyaa Baarloolka, kiimikooyinka, sibidhka, dunta, qalabka dhismaha diyaarinta cuntooyinka, iyo khudaarta.
Beeraha: Beeraha dalka jamhuuriyada Islaamiga ah ee  Iran, waxa laga beeraa dalagyo ay kamid yihiin Bariiska, Qamadiga, Sonkorta, Khudaarta iyo Cudbiga. Dhulka la isticmaalo ee dalkana waxa lagu qiyaasa boqolkiiba 10%.
Khayraadka: Khayraadka dabiiciga ah ee dalka Iran waxa kamid ah Batroolka,
Gaaska dabiiciga ah (natural gas), dhuxul  dhagaxada, chromium, copper, iron ore, lead, manganese, zinc iyo sulfur.

By: Suleiman Bashiir Omar