Taariikhdii Madaxweyne Aaden Cabdulleh Cismaan ( Cadde )

Allaha u naxariistee madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan wuxuu ku dhashay magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan, sanadkii 1908dii, wuxuuna waxbarashadiisii dugsiyada Quraanka &
Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sareba ku qaatay magaalada Muqdisho.
Wuxuu wax ka bartay maamulka dowladnimo, wuxuuna sameyay dhaqdhaqaaq ganacsi intii uusan ku biirin ka hor xisbigii Leegada ee SYL bishii Febraayo sanadkii 1944tii.
Sanadkii 1946dii wuxuu ka mid noqday xubnihii maamulka ee Xisbigaasi, waxaa loo doortay in uu noqdo xoghayaha xisbigaasi ee degmada Baladweyne.
Wuxuu sanadkii 1951dii noqday maamulihii gobolka Mudug, halkaas oo uu wakiil buuxdana uga ahaa xisbigii Leegada illaa laga soo gaaro sanadkii 1953dii.
Sanadkii 1953dii waxaa loo doortay in uu noqdo ku xigeenka maamulkii maxmiyadda ee loo yaqaanay Territorial Council, sidoo kale 1954tii waxaa loo doortay Guddoomiyihii Xisbiga Leegada xilkaasina uu hayay illaa laga soo gaaro bishii Febraayo 1956dii.
Bishii Maajo Sanadkii 1958dii waxaa loo doortay mar kale xilka ugu sarreeya ee Xisbigii Leegada iyo guddoomiyihii golihii lagu magacaabi jirey Somali Legislative Assembly, xilkaasina uu hayay illaa 1dii bishii July sanadkii 1960kii.
Sanadkii 1956dii waxaa Golihii lagu magacaabi jirey Territorial Council waxaa lagu badalay Legislative Assembly, waxaana loo doortay in uu noqdo xubin ka tirsan golahaasi, waxaana laga soo doortay magaalada Baledweyn ee dalka Soomaaliya doorashooyinkii dhacay, doorashadaasi ka dibna waxaa loo doortay in uu noqdo Guddoomiyihii Somali Legislative Assembly.
Sanadkii 1959kii doorashooyin guud oo dalka ka dhacay waxaa loo mar kale xubin, iyo in uu noqdo Guddoomiyaha Golaha Sharci dejinta Koofurta dalka Soomaaliya, wuxuuna xilka hayay illaa Golihii sharci dejinta uu noqdo Constituent Assembly.
Tanina waxay u saamaxday in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee soo mara dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib markii ay midoobeen labadii gobol Waqooyi & Koofur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya 1dii bishii Luulyo sanadkii 1960kii.
Golihii Baarlamaanka ee ugu horreeyay ee ay Soomaaliya yeelato wuxuu u doortay in uu noqdo muddo hal sano ah madaxweyne KMG ah, sanad ka dibna waxaa in uu noqdo madaxweyne muddo lix sanadood ah, wuxuu dalka madaxweyne ka ahaa muddo 7 sanandood ah.
Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan cadde” wuxuu ku hadlaa afafka Talyaaniga, Ingiriiska, Carabiga. Doorashooyinkii dalka ka dhacay sanadkii 1967dii waxaa looga adkaaday doorashooyinkaas, wuxuuna xilkii madaxweynanimo ku wareejiyay madaxweynihii la doortay Allaha u naxariistee C/rashiid Cali Sharmaarke, bishii June isla sanadkaas.
Sida uu qorayo sharciga Jamhuuriyadda Soomaaliya, madaxweyne kasta oo ay yeelato Soomaaliya , wuxuu inta ka dhiman nolashiisa ahaanayaa xubin ka tirsan baarlamaanka, hadda waa Somali Statesman isku dayaya in uu wax ka qabto nabadgalyada dalkiisa, ka dib dagaalladii dhacay, waana madaxweynaha ugu cimriga dheer madaxweynayaashii soo marey adduunka.
Madaxweyne Aadan cabdulle Cusmaan wuxuu bishii Juun sanadka 2007da 8deedii ku geeriyooday magaalada nairbi ee dalka Kenya.
Aadan cabdulle Cusmaan waxaa lagu aasay magaalada Muqdisho 11kii bishii Juun isla sanadkan.
Aasakiisana waxaa si wadajir ah uga soo qeybgalay madaxweynaha dowladda KMG ah C/llaahi Yuusuf Axmed oo ay la socdeen madaxweynihii dowladdii Carte C/qaasim Salaad Xassan & madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Cali Mahdi Max'ed.
Geeridiisa ka dib waxaa looga magacdaray GAROONKA DIYAARADAHA EE MUQDISHO.
"Aden Adde International Airport of Mogadishu".

Diyaarintii: Sulaiman Bashiir Omar