SIDEE GUUL LOO GAARAA ??!!!




 waxyaabaha ugu muhiimsan oo guusha lagu gaaro waxaa ka mida isagoo qofku marka hore ALLAAH tala saarta wax walba oo uu qabanayo ama uu rabo inuu gaaro mustaqbalka dhaw waayo wax kasta oo aad rabto waxaa kuu fududaynaya ALLAAH ood ku xirnaato.

Halkan waxaan isku dayayaa inaan idiinku soo gudbiyo dhawrka qodob


ee ugu muhiimsan oon ka soo turjunay buug lagu urursho dadka gaaray guusha iyo siday ku gaareen taas oo lagu ururshay macluumaad aad u muhiim ah

1. Hilow; Hilowga loo hiloobo gaaritaanka Guusha ayaa qofka ku qasba inuu shaqada qabto, oo uusan ka-seexanin, ka dib-dhicin. Dadka jecel inay Guul gaaraana uma shaqeeyaan inay helaan lacag oo kali, ee waxay u dadaalaan inay shaqadooda ku raaxaystaan, kadibna waxay isla helaan Guul iyo Maal badan.

2. Shaqo; Guul oo dhan waxaa saldhig u ah, Shaqo loo maro dhib badan, wax bilaash iyo raaxo ku yimaadana maba jiraan, haday jiraana waa wax riqiis ah oon qiimo badan lahayn. Dadka Huromarka gaaraa waxay qabtaan shaqo ay ku raaxaystaan, waqtigooda iyo naftoodana u huraan, waxayna u shaqeeyaan si qota dheer.

3. Tababar iyo ku celcelin fara badan; siaad u noqoto guulayste, billaw shaqo fiican aadna u badi taba-barashada iyo ku celcelinta, oo Riyo iyo Sixir midna ha sugin, ee ku talagal dadaal iyo taba-barsho dhab ah siaad shaqadaa master ugu noqoto.

4. Hadafkaaga beegso; issagana ku seexo kuna soo kac, hana isku dayin inaad hal jeer toban shay ka shaqayso, balse Hadafkaaga oo qur ah in dhaha ku hay habeen iyo maalin, soojeed iyo hurdo labadaba.

5. Cadaadinta nafta; naftaada ku cadaadi siday hor ugu socon lahayd markasta iyo sikastaba. Haka-shakinin hana ka-xishoonin hadafkaaga magac dhawgiisa iyo ku celcelintiisa. Naftaadana ha mahadinin, hubsana inaada wali gaarin meeshii u saraysay, u qiimaha badnayd, markasta sii raadi meel ka saraysa meesha aad hada joogto. 6. Dadka u adeeg, una qabo wax qiima leh, taasina waa jidka ugu gaaban ee Guul lagu gaaro. Kaligii noolade ama dantii raadiye meel dheer magaaro, oo qofka naftiisa uun kafikiraya hadafkiisu aad buu ugaaban yahay. Qofka meel dhaw ku socdaana dhakhsuu daalaa, halka qofka meel dheer ku socdaa, daalka uusan xasuu-sanayninba.

7. Raadi Fikrado cusub; hana sugin sixir ama wax hal jeer kugu soo daga oo Guul weyn kugaarsiiya. Guushu waa fikrado yaryar oo laysku daray, lagu celceliyay, lakobciyay, oon laga daalin. (dhibicda yar ee dhulak ugu dhacda si is daba joog ahi, God bay qodaa, lakiin Baaldi buuxa hadii haljeer dhulka lagu shubo god ma qodi karo).

8. Haka harin; dadaalkii aad soo waday, xattaa haday kaa hortimaado guul darro, ama dadka shaqo la ́aanta ahi ku caayaan. Waxaadna ogaataa inay guul darradu dhasho Guul qiimo badan, tahayna hor-dhicii guusha weyn, hadaad ka-hartase waxaad noqonaysaa qof cumrigiisii khasaariyay.

Tilmaamahaasi waa kuwa Guul iyo wanaag lagu gaaro, sida uu ninkaa aqoonta iyo khibrada dheer lihi u dhigay, waxaana haboon qofku inuu isagu is miisaano meesha uu ka joogno tilmaamahaas. Balse si guud waxaan oran karraa umada Somaliyeed waa Ummad lagu imtixaanay fudayd, dagdeg iyo dhakhso afka buuxso, Guul ordaysa dusha kaga dhac.

TAASINA WAA MID KAHOR IMAANAYSA SUNADA ILAAHAY, EE KU DHISAN IN GUUSHA MACAAN LAGAARI KARO OO KALIYA MARKII LAHELO FIKIR WANAAGSAN, NIYO ADAG, DADAAL IS DABA JOOG AH IYO RABBI OO LATALA SAARTO.


Waxaa soo terjumay Sulaiman Bashiir Omar